kulanka Gudoomiyaasha degmooyinka gobolka Banaadir oo maanta lagu qbtay degmada kaxda

Muqdisho: Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa guddoomiyay kulanka Degmooyinka Gobolka Banaadir oo ka dhacay xarunta Degmada Kaxda, kaas oo looga hadlay dhowr qodob ku saabsan horumarrinta Caasimadda.
Kulankan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenada Maamulka Gobolka Banaadir, Xog’hayaha Guud ee Gobolka, Taliyaha Ciidanka ilaalinta Deeganka, Taliyaasha qeybta guud Gobolka Banaadir ee Ciidanka Boliiska iyo Nabad-Sugid, Agaasimayaal, iyo Guddoomiyaasha degmooyinka.
Qodobada looga hadlay Shirka Degmooyinka waxaa kamid ahaa dardargalin Sugida Amniga, fulinta baaqii Madaxweynaha JFS ee ku xariiray barnaamijka Garanwaa oo lagu hubinayo badqabka iyo amniga qoysaska, horumarrinta Nadaafada, la dagaalanka Maandooriyaha iyo Buracada, iyo kor u qaadida Kobaca Dhaqaalaha.
Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Ahmed Diiriye (Yabooh) ayaa shirka kadib warbaahinta kula hadlay Xarunta Degmada Kaxda oo uu shirka ku qabsoomay.