laamaha Amniga Puntland oo gacanta ku dhigay Maandooriye & dadkii watay

Ciidamada Booliska Gobolka Nugaal ee Puntland aa howlgal ay ka sameyeen Magalooyinka Garoowe iyo Burtinle ku soo Qlqabtay Xashiish, Khamri, Dadkii watay iyo Gaarigii lagu waday.

Ciidamada booliska Nugaal ayaa ku guleystay inay Koontaroolka Burtinle ku qabtaan 26 Duub oo waa wayn oo Xashiish ah kuwaasi oo lagu soo qariyay dhar dhexdooda iyagoona sidoo kale haya Qofkii waday iyo Gaarigii lagu waday waxaana socda baaritaan isagoona sharciga la horgayn doono marka la soo gaba gabeyo baritaanka.

Sido kale howlgalo ka socday habeenadan ayay ciidamada amaanka Caasimadda Putland ee Garoowe waxay ku soo qab qabteen Duubab Xashiish ah oo la diyaariyay iyo dhow cagadood oo khamri ah iyo dadkii watay waxaana socda baaritaan si sharciga loo horgeeyo.

Taliyaha qaybta booliska G.Nugaal G/sare Xussen Cali Maxamuud ayaa u mahadceliyay ciidamada booliska, Sarakiishooda iyo Bulshada sida dhow ula shaqaysay ee xogta u soo gudbiyay.

Taliyaha qaybta Nugaal G/sare Xuseen Cali ayaa sido kale xusay in dalacsiin uu u raadinayo ciidamada booliska ee juhdiga ku bixinaya sidii loo suulin lahaa Mandooriyaha isagoona sidoo kale faray ciidamada iyo saraakiisha in la sii labo jibaaro howlgallada lagu la dagaalamayo