Ka dib Markii dawladaa Kenya ay ku dhawaaqday in dhawaanla furayo 7 Xafiisyo Cusub ee Ergada Diplomaasiyadeed , taasi oo qeyb ka ah Dib-u-habayntii u dambaysay ee Dowladda Madaxweyne William Ruto .
Wasaarada Arimaha Dibadda Kenya ayaa shaacisay Xafiisyada cusub Kenya ay ka furi doonto Caasimaddaha dalalka Djibouti, Switzerland, Indonesia iyo magaallooyinka Caruusha ee Tanzania, Goma ee dalka Koongada Dimuqraadiga iyo Hargeysa (Somaliland) ayaa Aqoon yahan Cali Xisbi waxaa uu ka hadlay damaca Kenya ay ku dooneyso in ay ku soo farageliso Arimahaa masiiriga ah ee Soomaaliya .
Aqoonyahan cali Xisbi ayaa sheegay Haddii dawlada soomaaliyaa aan lala socodsiin Talaaboyinka Kenya ay ku dhaqaaqeyso taasi ay noqoneyso dhibaato weyn oo soo gaarta Nidaamka diblumaasiyada Soomaaliya & Kenya oo hadda Xiriir wanaagsan leh.