Dhageyso: Waxgarad soo dhaweeyay shirka ka furmaya Baydhabo

Odayaasha dhaqanka koofur galbeed ayaa ayaa ka hadlay shirka dib u heshiisiinta ee lagu wado in uu ka furmo magaalada Baydhabo.

 

Malaaq Ilyaas kulubow isaaq oo ka mid ah ah waxgaradka koofur galbeed kana qaybgalaya shairka dhawaan ka furmaya magaalada Baydhabo ayaa sheegay in ay soo dhaweeynayaa shirka & qodobada looga hadlayo isaga uu uga mahadceliyay gudoomiyaha golaha shacabka sheikh Aadan Madoobe dadaal uu ku bixinayo qabsoomida shirkaas

 

Ugu dambeeyntii Malaaq ilyaas ayaa ku baaqay in la xaliyo tabashada laga qabo maamulka koofur galbeed deg degna loo qabto doorashada Xilka madaxweynaha koofur galbeed madaamaa ay dhammaatay Aafartii sano ee ahayd muddada xil haynta madaxweyne Laftagaren.