Taliyihii Ciidanka Haramcad ee Dowlada oo lagu dilay Dhuusa-Mareeb.

Dhuusa-Mareeb, Taliyihii Ciidamada Haramcad ee Dowlada Federaalka ayaa goordhaw la xaqiijiyay in lagu dilay dagaalka ka socda Dhuusa-Mareeb.

Taliyaha ayaa la sheegay in uu hogaaminayay dagaalka isla markaana haleeshay Xabad kaga timid dhanka Ahlu-Suna.

Ma jiraan wax war ah oo ilaa iyo hada ka soo baxay dhanka dowlada Federaalka marka laga reebo dhinacyada dagaalamaya.

Khasaaraha ka dhashay dagaalanka ayaa ah mid fara badan inkasta oo aan ilaa iyo hada si dhab ah loo qiyaasi karin.

Xafiiska Wararka, Muqdisho.

Info@aragticusub.com