Dowladda Soomaaliya iyo Maraykanka oo ka hadlay xaaladda Laascaanood

War saxaafadeed xalay ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka xun tahay shaqaaqooyinka ka socda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Dowladda waxay ku baaqeysaa ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka in si nabad ah loo maareeyo shaqaaqooyinkaasi, iyada oo loo turayo shacabka deegaankaasi lagana dhowrsado in dhiig dambe halkaasi ku daato.

Dowladda Soomaaliya waxay tacsi u dirtay qoysaski iyo eheladi dadki naftooda ku waayey shaqaaqooyinkaasi, inti dhaawacantayna uu ilaahey caafimaad degdeg ah siiyo.

Dhanka kale, safaaradda Mareykanka ee Magaalada Muqdishana qoraal ay barteeda Twitterka soo dhigtay waxay ku baaqday nabad iyo xaaladda la dajiyo sarreynta sharcigana loo soo noqdo lana joojiyo dhibaatooyinka dadka rayadka loo geysanaya iyo burburinta hantida.

Shaley waxaa dagganeyd xaaladda magaalada balse inkasta oo ay socdeen dibadbaxyo goos goos ahaa.