Iyadoo wadamada Yurub ay ku sii kordhayaan falalka cunsuriyada islaam naceybka xambaarsan ee ka dhanka ah dadka muslimiinta, ayaa caawa fiidkii wiil dhalinyaro ah dhaawac madaxa ah loogu geystay magaalada Bergen xili uu saarnaa bybanen (Bii-baan), isaga kala goosha senterka magaalada iyo garoonka diyaaradaha Flesland magaalada Bergen ee dalka Norway.
Goob joogayaal xiliga falka weerarka uu dhacayay ku sugnaa gudaha bybanen-ka (Bii-baan) ayaa warbaahinta aragticusub u sheegay in haweeney caddaan ah ay weerartay Abdishakuur Bile Mohamed oo ah wiil uu dhalay qoraa ka tirsan warbaahinta aragti cusub, kana mid ah Jaaliyadda Soomaalida magaalada Bergen xili uu wiilka dhalinyarada ah ka mid ahaa rakaabkii la socday bybanen-ka (Bii-baan), kaasoo ku socday xaafadda Sletten, kana yimid ciyaar dhexmartay kooxda Nymark oo uu ka mid yahay ciyaartoyda kooxdaas iyo kooxda Bønes oo ka wada dhisan isla magaalada Bergen.
Haweeneyda weerarka geysatay ayaa dhalo nooca qamriga uga garaacday madaxa Abdishakuur Bile Mohamed (13-jir) oo isagoo xaalad adag ku sugan ay bad-baadiyeen qaar ka mid ah rakaabkii la socday bybanen-ka (Bii-baan), waxaana goobta uu falka ka dhacay soo gaaray ciidamada Baliiska iyo gaadiidka gurmadka degdega ah, waxaana wiilka dhalinyaradda ah loo qaaday isbitaalka si xaaladiisa caafimaad loogu dabiibo.
Dambiilaha cunsuriyada ah ayaa waxaa gacanta ku dhigay ciidamada Baliiska oo su’aalo weydiinaya, lamana oga sababta ay u weerartay wiilka dhalinyaradda ah oo aan wax wada hadal ah dhex marin isaga iyo haweeneyda weerartay, hase yeeshee ka war helay jugta dhalada oo madaxa ka haleeshay, waxayna haweeneydaasi isku dayday inay mar kale madaxa kala dhacdo dhalada, laakiin umma aysan u suurtagelin.
Qoraa Bile Mohamed Abbdi oo ka mid ah wariyayaasha aragti cusub ahna aabaha wiilka dhaawaca loo geystay oo aan la xirriirin ayaa inoo sheegay in hadda xaalada wiilkiisa ay roon tahay, balse uu dareemayo xanuun daran oo dhinaca madaxa.
Jaaliyaddaha Soomaalida ayaa ka mid ah Jaaliyaddaha muslimiinta ee cadaadiska kala kulmaya dad iyagu cunsuriyiin islaam nacayb iyo madow nacaybka ku caanbaxay kuwaasi oo xiliyada qaar weeraro geysta.