Dhageyso: Gudoomiyaha Degnmada Raage Ceelle ee gobolka shabeelaha Dhexe oo ku baaqay in loo soo Gurmado Dadka ku dhaqan degmadaasi

Gudoomiyaha Degmada Raage Ceele ee Gobolka shabeelaha Dhexe Mudane Cumar Cali Nuur ayaa ka war bixiyay xaalada degmadaasi

Gudoomiye Cumar Cali Nuur ayaa sheegay in xaalada Degmada Raage Ceelle ay ka wanaagsan tahay Sidii hore islamarkaana Amniga Degmada ay gacanta ku haayaan Ciidamada Milatriga dawlada Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Hirshabeele.

Gudoomiyaha Degmada Raage Ceelle oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in xaalado Bani’aadantinimo ay ka jirto degmada ‘ waxaana ku soo barakacay dad badan oo ka yimid degaanada hoostaga degmadaasi.

“Waxaa uu sheegay in xaalado biyo yari ayka jiraan degaanka waxaana ay bilaabeen biyo dhaamin sida uu sheegay Gudoomiyaha isaga oo ku baaqay in loo Gurmado Dad ay saameeyntaay ku yeesheen abaaraha ka jira degmadaasi.