Xildhibaanad Ilhaan Omar oo la xiray kadib markii….

Xildhibaanad Ilhaan Omar ayaa la xiray iyadoo dibad bax ka dhigasay bannaanka hore maxkamada sare taladaadii sida ay shaqaalaheeda u sheegeen Idaacadda BBC-da.

Mudaaharaadka waxa uu salka ku hayaa go’aankii maxkamada kusoo rogtay in dumarka aysan iska soo xaaqi karin ilmaha caloosha ugu jira.

Ilhaan Omar ayaa markii dambe bayaan ay soo dhigtay barteeda twitter-ka ku sheegtay in la xiray, iyadoo ka qeyb qaadanayso ficil ay ku tilmaamtay inuu yahay gadoodka shacabka, waxayna sheegtay inay sii wadi doonto wax kasta oo karaankeeda ah.

“Aan kor u qaadno qeylo dhaanteena ku saabsan weerarka lagu haayo xuquuqdeena taranka”, hadalkaas ayay barteeda twitter ku qortay, iyadoo haatan ku hoyaneysa xabsi ku yaala magaalada Washington.

Ilhan Omar waxay ka mid ahayd sharci-dajiyayaasha dimuqraadiga hase yeeshee la xiray maalinimadii talaadii shalay, xili ay ku mudaaharaadayeen afaafka hore maxkamada sare horteeda, waxayna ka mudaaharaadayeen xuquuqda ilmo iska soo ridida.