Dhageyso: Boqor Maxamed Jaamac oo ku baaqay in la Aqoonsado Somaliland Hambalyana u diray shacabka Soomaaliyeed

Boqor Maxamed Jaamac Suldaan Cumar oo ka mid ah Wax garadka ka soo jeeda Soomaaliland ayaa Ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed  meel kasta oo ay joogaan munaasabada 1kda luulyo oo ku aadan  62 guuradii ka soo wareegatay markii gobolada koofureed ay xornimada ka qaateen gumeystihii Talyaaniga .

Boqor Maxamed Jaamac Suldaan Cumar ayaa sidoo kale  Ugu hambalyeeyay Soomaaliland 62 guuradii ka soo wareegatay markii  xornamida ay ka qaateen Gumeystihii ingariiska ‘  isaga soo hadal qaaday markii shacabka jabuuti ay ka xoroobeen gumeystihii Faransiiska oo iyagana Hambalyo ku aadan 27ka juun uu u diray.

Dhinaca kale ‘ Boqor Maxamed Jaamac Suldaan Cumar ayaa midnimada iyo Wadajirka Saoomaaliya’ Waxaan uu ku baaqay in shacabka  koofurta iyo madaxda Dawlada Soomaaliya ay Aqoonsadaan gooni isutaaga soomaaliland taas ayaa midnimada la raadinayo ku imaan kartaa ayuu yiri ‘ Boqor Maxamed Jaamac Suldaan Cumar

Boqorka Maxamed Jaamac ayaa shaaciyay in shacabka Soomaaliland iyo madaxdeeda aysan wax door ah ku lahayn dastuurka qabyo qoraalka ah ee ay ku shaqeeyso Dawlada Federaalka isalamarkaana aan Saoomaalilaand laga tixgelin diyaarinta dastuurkaasi.