War hadda nasoo gaaray ayaa sheegaya in magaalada Dhuusomareeb uu ka billowday iska hor-imaad u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kuwa ururka Ahlu-Sunna Waljamaaca.
Dagaalka ayaa ka socda baanaanka hore ee xarunta Inji oo ay deganyihiin hoggaanka sare ee Ahlu-Sunna Waljamaaca.
Dhinacyada ayaa isku adeegsanaya hubka nuucyadiisa kala duwan, waxaana la sheegay in weerarka ay qaadeen ciidamada dowladda ee ku sugan magaalada Dhuusamareeb, kuwaas oo iska caabin xoog leh kala kulmay ilaalada xarunta Inji ee Ahlu-Sunna.
Dagaalka caawa ka bilaawday Dhuusamareeb ayaa ku soo aadaya xilli maanta ay ciidamada dowladda ee ku sugan Dhuusamareeb ay xabsiga dhigeen guddoomiyihii hore ee Ahlu-Sunna ugu magacaawnaa Dhuusamareeb Walad Cabdalla.
Masuulkaas ayaa la xiray xilli uu ka soo baxay xarunta Inji oo sida la sheegay bandaw lagu soo rogay, kaas oo ah in aan la geli karin lagana soo bixi karin, waxayna wararka aan heleyno sheegayaan in carro badan ay Ahlu-Sunna ku abuurtay arrintaas.
Dagaalkan ayaa waxaa la sheegay in uu ka dhashay u hoggaansami la’aan ku aadan bandawga la saaray xarunta Inji ee Ahlu-Sunna ay ka degantahay magaalada.
Xafiiska Wararka,Muqdisho.
Info@aragticusub.com