Xeer ilaalinta guud ee dalka Masar ayaa amar ku bixisay in la sii daayo gabar Soomaali ah uu ku socday baaritaanka dil loo geystay darawal Mooto Tuk-tuk ah oo mindi lagu dilay ka dib markii uu isku dayay in uu u kufsado.
Baaritaano ay sameeyeen Booliiska iyo Xeer-ilaalinta ayaa lagu xaqiijiyay in ay sax tahay sheegashada gabadha ee ah in uu ninku isku dayay in uu xoog ku kufsado, isaga oo handadaya Toorey.
Baaritaanka ay samaysay Xeer-ilaalinta Masar ayaa waxaa lagu oggaaday in gabadha ay dhowr jeer ninka u digtay, balse uu toorey la soo baxay, markaasi oo ay Gabadha Soomaaliga ah u suuragashay in ay gacan ku dhinto Mindida, halkaasi oo ay ku muday.
Gabadha ayaa tagtay Saldhig Booliis, waxaana ay la wadaagtay sida ay wax u dhaceen oo ah in uu nin isku dayay in uu kufsado, isla markaasina ay toorey ka xoogtay kuna muday.
Dhacdadan ayaa waxaa si wayn u hadal haya Bulshada Soomaalida iyo Masaarida, kuwaasi oo gabadha ku amaanay falka ay sameysay oo ahaa in ay ninkaasi hamiyay Nafteeda ka difaacay.
Xafiiska Wararka Muqdisho
Info @aragticusub.com