Gudoomiyaha Baarlamaanka oo la kulmay Bulshada raydidka ah

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlaman Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa hoygiisa ku qaabilay qeybaha kala duwan ee ururadda bulshada rayidka oo kaalin mug leh kaga jira dib u dhiska dalka.

Kulanka ayaa looga hadlay kaalinta ay ururada bulshada rayidka ah ka qaadan karaan arrimaha doorashada madaxweynaha dalka ee dhici doonta 15-ka May .

Guddoomiyaha Golaha Shacabka mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) , ayaa ku booriyey uruada bulshada rayidka ah in ay sii laba jibaaraan  kaalintooda horumarineed.