Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa suxufiyiinta Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda 3-da May oo ah Maalinta Xorriyadda Saxaafadda Adduunka, taas oo sanad walba laga xusay adduunka
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ammaanay kaalinta muhiimka ee saxaafadda iyo howsha adag ee wariyeyaashu u hayaan bulshada Soomaaliyeed, ayada oo warbaahinta ku foolantahay wargelinta iyo bidhaaminta xaqiiqooyinka jira.
War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaha ayaa lagu yiri “Warbaahinta Soomaaliyeed waxa ay kaalin laf dhabar ah ku leedahay sare u qaadista wacyiga bulshada, soo bandhigista xaqiiqooyinka jira iyo waxbarista bulshada, waxayna ku soo shaqeysay duruufo adag, taas oo ay mudan tahay in lagu bogaadiyo”
Dhanka kale Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska Wasiirka koowaad ee Xukuumadda ayaa lagu yiri “Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku dhiirigeliyay saxafiyiinta in ay sii wadaan shaqada muhiimka ah ee ay dalkooda u hayaan, isagoo xaqiijiyay in ay lama taabtaan tahay xorriyadda saxaafadda oo ah mid ay shuruucda dalku damaanad qaadayaan”. Ayaa lagu yiri
Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa guulo iyo horumar joogto ah u rajeeyay wariyeyaasha iyo guud ahaan bahda saxaafadda Soomaaliyeed. Sida lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Wasiirka koowaad ee Xukuumadda.
Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa ku dhawaaqay Maalinta Xorriyadda Saxaafadda Adduunka sannadkii 1993-kii, iyadoo 3-da Maajo loo asteeyay xuska sannad-guurada Baaqii Windhoek, kaas oo ahaa bayaan taariikhi ah oo ku saabsan xiriirka ka dhexeeya xorriyadda raadinta, gudbinta iyo helidda xogta iyo danta guud.
Xafiiska wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com