Taliyaha Ciidanka Booliska Maamulka Puntland Jeneraal Muxiyaddiin Axmed Muuse ayaa ka hadlay hadal heynta la xiriirta Ciidamada dowladda Federaalka ah ee ay geyneyso Magaalada Gaalkacyo.
Muxiyadiin Axmed Muuse ayaa sheegay in haddii Dowladda Federaalka ah ay Ciidanka HAMARCAD geyso Magaalada Gaalkacyo ay Puntlandna Gaalkacyo u joogaan Ciidanka Shabeel oo uu sheegay in ay kaga hortagayaan.
Taliyaha oo la weydiiyay, waxa Puntland uga qorshaysan, haddii dowladda Federaalka Soomaaliya ay magaalada Gaalkacyo keento Booliiska gaarka ah ee loo yaqaanno HARAMCADKA? Ayaa ku jawaabay “ HARAMCAD haddii ay keenaan Shabeel baa u diyaarsan.”
Gen Muxiyadiin, ayaa sidoo kale faahfaahin ka bixiyay dib u-habayn ballaaran oo ku socota ciidanka Booliiska Puntland, si loo helo ciidan Booliis ah oo tiro sugan leh.
Puntland ayaa walaac ka muujisay hadal heynta la xiriirta in Ciidamo ka socda Dowladda Federaalka ah la geynayo Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.