Maxaa ka jira in la weeraray xarunta Guddiga doorashooyinka?

Guddiga doorashooyinka heer Faderaal ayaa beeniyay in ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ay weerar ku qaadeen xarunta Guddiga.

Afhayeenka Guddiga doorashooyinka Axmed Safiino ayaa sheegay in shaqadda guddiga ay u socoto si caadi islamarkaana aysan jirin Shaqaaqo ka dhacday xarunta Guddiga.

Afhayeenka ayaa xusay in xildhibaanada iyo Wasiiradda imaanaya ay banaanka kusoo reebaam ilaaladooda oo aysan gudaha lasoo galin.

Amb Ahmed Safiina
Afhayeenka Doorashooyinka Soomaaliya.

“Majirto cid weerar ku soo qaaday xarunta GMDKLA ee Somaliland, Wasiirada iyo Xildhibaanada xarunta u imaanaya shaqooyinka waxa ay wataan ciidamo ilaalo u ah loomana ogala in gudaha xarunta soo galaan, beeluhu ha xalistaan khilaafka u dhaxeeya, shaqada doorashadu way socotaa”ayuu yiri Afhayeenka.