Yuusuf Dabageed oo beeniyay in Ciidamada la geeyay Beledweyne lagu boobayo doorashada

Madaxweyne kuxigeenka Dowlad Gobolkeedka Hir-Shabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) ayaa si kulul ugu jawaabay hafalkii kasoo yeeray Siyaasiyiintii uu horkacayay Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Janeraal Muqtaar, kuwaas oo kasoo horjeestay Ciidamadii shalay dowladda Soomaaliya ay geysay Magaalada Beledweyen.

Yuusuf Dabageed oo Warbaahinta kula hadlay Beledweyne wuxuu sheegay in siyaasiyiintaas ay yihiin kuwo kuraas raadis ah, isla marlaana u hadli karin dadka Reer Hiiraan waxna u qaban.

Sidoo kale wuxuu hadalkiisa uu intaasi kudaray in Ciidamadii shalay dowladsa geysay Beledweyne ay iyaga dalbadeen si ay ula dagaalamaan Ururka Al-Shabaab.

Ugu dambeyn Madaxweyne kuxigeenka Dowlad Gobolkeedka Hir-Shabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) ayaa beeniyay in Ciidamada la geeyay Beledweyne in loo keenay boobka doorashada Golaha Shacabka doorashada taalla Magaalada Beledweyne.

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com