Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa soo gaaray magaalada Jig-jiga ee xarunta Dowlad degaanka Soomaali galbeed, halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay, isaga iyo xubnaha ku weheliyay socdaalkiisa.
Mas’uuliyiinta ugu sarreysa Soomaali galbeed oo uu qayb ka ahaa madaxweynaha Dowlad degaanka iyo Salaaddiin iyo qayabaha kala duwan ee bulshada degaanka ayaa ka qayb qaatay soodhaweynta Abiy Ahmed.
Socdaalka Abiy Ahmed uu ku yimid Jig-Jiga ayaa la sheegay in uu la xariiro abaaraha ba’an eek a jira degaanka iyo waxaana wararku sheegayaan in si gaar ah uu ugu kuur gali doono xaaladaha ka jira Degaanka, sidoo kalena si deg deg ah looga jawaabi doono dhibaatooyinka cunta yarida iyo biyo la’aanta baahsan eek a jirta degaanka.
Soodhaweyn ka dib Abiy Ahmed ayaa kulan gaar ah la qaatay Madaxweyne Mustafe Cagjar, iyadoo kulanka ay qayb ka yihiin mas’uuliyiin ka tirsan Dowlad degaanka.
Dalka Itoobiya ayaa wajahaya qalalaase iyo dagaallo ay kula jiraan TPLF oo ah awood xooggan oo dowladda kasoo hor jeedda, waxaana degaanka Soomaalidu ay horay u shaaciyeen in garb taagan yihiin Dowladda Federaalka Itoobiya ee hoggaanka u hayo Abiy Ahmed, waxaana jira Ciidamo u dhashay Soomaali galbeed oo qayb ka ah dagaalka Itoobiya ay kula jirto Tigreega
Xafiiska wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com