Xasan Sheekh: Dowladnimadu been ma aha & Cabsi gelin Dadka lagu sameeyo.

Madaxweynihii 8aad ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay Xaaladda dalka gaar ahaan Doorashooyinka, Amniga, siyaasadda, Hanjabaaddda Saaxiibada Caalamka & Arrimo kale ayaa soo jeediyay in la dhaqangeliyo waqtiga Golaha Wadatashiga qaranka uu ku heshiiyay in lagu qabto Doorashada.

Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu rejo ka muujiyay in 40 cishe lagu qabto Doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka BFS oo qayb kamid ah Dooran, balse waxa uu ka digay in bi lama saddex bil lagu daro iyada oo qiil laga dhiganayo in aanay ku fulneen waqtiga u dhaxeeya 15ka Janaayo ilaa 25ka Febaraayo 2022.

Aad & aad ayaan ugu kalsoonahay in Doorashada ay ku dhaceyso waqtigeeda, 40ka maalmood waxa aan aaminsanahay in lagu qaban karo, haddii ay noqoto 41, 43 ama 45 cishe waxaa la dhihi karaa waala simbiriqay Laakiin Madaxda DF & Dowlad-Goboleedyada aad ayay u adag tahay in la aqbalo oo cudur daar malaha bil ama saddex in ay sii socota” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa faah-faahin ka bixiyay waxa ay ka tarjumeyso digniinta dalalka ka dhalatay daaha Doorashada iyo tallaabada xigta haddii laga dhega-fureyso oo waxba kama jiraan laga dhigo.

Xasan waxa uu sheegay in dhinacyada digniinta diraya ay yihiin kuwa bixiya taageerada keliya soo jeedintooda noqon karto in ay dib ula laabtaan taageeradooda iyada oo xaalad kala guur ah uu dalka ku jiro sida uu hadalka u dhigay.

“Haddii nala leeyahay amnigooda ma sugan karaan hala gacansiiyo, haddii la leeyahay dhaqaalaha iskuma filna mana is xukumi karaan waxbaa noo dhiman, in naloo digo oo nala dhaho waan idinka tageynaa micnaheedu waxaa waaye in aan dib ugu laabano Kumeel-gaarnimadii aan kasoo gudubnay ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud MW hore ee Soomaaliya.

Qalalaasaha ka dhasha Doorashooyinka sida xun loo maamulo ayuu ka digay waxa uu Xasan Sheekh Maxamuud Tusaale usoo qaatay Dalalka Afghanistan, Ciraaq & Liibiya oo dhibaatooyinka ay ka dhaxleen weli aan kasoo kaban.

“Waxa aan rabaa in aan madaxdeynihii in aan idin xusuusiyo doorasho xumaata waxa ka dhalan kara, Afghanistan, Ciraaq & Liibiya waxa ay meesha u yaaraan doorasho xumaatay, Dalka & Dadka Soomaaliyeed ma u dulqaadan karo Doorasho xumaata, Dowladnimadu laablaab ma gasho, Dowladnimu been ma aha mana la isku cabsi geliyo Sidaasi waxaa yiri Madaxweynihii 8aad ee Soomaaliya.

Doorashada Soomaaliya waxa uu qorshuhu ahaa in ugu dambeyn Madaxweynaha la doorto Febaraayo 2021 balse dib u dhac ayaa ku yimid, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa 12kii April 2021 ayaa isku dayay muddo kororsi labo sano ah balse waxaa ka dhashay iska hor imaad ka dhacay Muqdisho, 1dii May 2021 waa uu ka laabtay Farmaajo kaddib markii uu socon waayay rabitaankiisa muddo dheereysiga ah.

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com