Taliyaha Ciidamada Xoogga Soomaaliyeed qeybta 27aad ayaa ka hadlay dagaal u dhaxeeyay shalay CXS iyo kuwa ka soo horjeeda dowlad goboleedka Hirshabeele kaas oo ka dhacay duuleedka magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan.
Janeraal Axmed Maxamed Calasow (Tareedisho) oo ah Taliyaha CXS qeybta 27aad oo warbaahinta la hadlay ayaa yiri “Ciidanka oo hawgal ku jira ayaa xabad lagu billaabay waxaa ka sii horreysay Guddoomiyihii Gobolka oo kolonyo ku jira oo xabad lagu billaabay”
Taliye Tareedisho ayaa sheegay in Ciidanka Xooga uu ka xunyihiin wixii ka dhacay asiga oo hadalkiisa sii wata ayuu yiri “Wixii Siyaasad ah siyaasaddu ha xaliso, wixii dhaqan ah dhaqanku ha xaliyo”
Hadalka taliyaha ayaa ku soo aadaaya xilli shalay degaanka Qowlad oo dhaca duuleedka magaalada Baladweyne ay ku dagaalameen Ciidanka dowladda iyo kuwa uu hoggaamiyo Sarkaal lagu Magacaabo Nuur Dheere.
Xafiiska Wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com