Ciidamada Dowladda Oo Qof Shacab Ah Ku Dilay Baladweyne

Ciidamada Dowlada ee ku sugan magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa lagu soo warramayaa in halkaasi ay ku dileen qof shacab ah, xili xaaladda magaalada ay tahay mid kacsan oo mar waliba laga filan karo in dagaal uu ka qarxo.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in Ciidamadu ay toogteen Nin lagu magacaabi jiray faarax Suugow Waasuge, kaasi oo ka tirsanaa dadka degaanka.

Marxuumka ayaa lagu toogtay Xaafada Nuur Xawaad ee Magaalada baladweyne, waxaana ilaa iyo hadda faah faahin laga bixin sababta Ciidamada Dawladda ku kaliftay dilka marxuumka.

Magaalada ayaa saaka ku waaberiistay iyadoo u kala qaybsan Seddex Ciidan oo iska soo hor jeeda, waxaana wararkii ugu dambeeyay ay sheegayaan Ciidamada dowladda ay gudaha u galeen garoonka kubadda cagta Laqanyo Stadium, kaasi oo horay ay gacanta ugu hayeen Ciidamo uu watay Nuur Dheere.

Odayaasha dhaqanka ayaa la sheegay in ay saaka bilaabeen waan waan, taasi oo keentay in Ciidamo uu watay Taliye Nuur dheere ay isaga baxeen garoonka.

Waxaana sidoo kale meel aan sidaa uga fogayn  garoonka ku sugan Ciidanka Genaraal Abuukar Xuud oo Hirshabelle kasoo horjeeda, sidoo kalena Taliye Nuur dheere ayaa la shegay in xilligan ku suganyihiin daar dheer oo dabaq ah, taasi  oo garoonka kasoo horjeedda.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com