Laftagareen oo asigoo qasban ka qeyb gali doonnaa Shirka uu iclaamiyay Rooble

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa mar sii horreysay sheegay inuu ka qaybgaleyn shirka Ra’isal wasaaraha uu ku baaqay ee golaha wadatashiga qaran balse uu ka qayb galayo kan uu ku baaqay madaxweynaha.

Xubno ka mid ah Madaxtooyadda Koonfur Galbeed ayaa noo xaqiijiyay in Madaxweynaha uu Shirka ka qeygali doonoo soona gaari doono Muqdisho ka dib markii Caddaadis xoog leh uu kula kulmay xubnaha beesha Caalamka.

Horayna waxaa magaalada Muqdisho ugu sugnaa madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Galmudug, Jubbaland iyo Puntland.

Afhayeenka XFS Maxamed Ibraahim Macallimuu oo bartiisa Facebook qoraal soo dhigay wuxuu sheegay in shirka looga hadli doono dardargelinta iyo dhammeystirka doorashooyinka.

Ra’isal wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhawaan ku baaqay golaha wadatshiga iney isugu yimaaddaan shir lagu qabanayo magaalada Muqdisho.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com