Warsaxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) uu caddeynayo in uusan kasoo qeybgali doonin Shirka uu iclaamiyay Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble.
” Go’aankan wuxuu ka dhashay kaddib markii lagu xadgudbay madaxbannaanida Guddiga Xallinta Khilaafaadka oo 7 xubnood laga saaray iyo Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka ee Federaal oo shalay la kala qeybiyay ayaa lagu yiri” Warsaxaafadeedka.
Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale sheegay in ay diyaar u yihiin ka qeybgalka baaqa Madaxweynaha si looga tashado sidii lagu samatabixin lahaa geeddiga socodka doorashooyinka dalka.
Maamulada kajira dalka ayaa u muuqda kuwo uu saameeyay khilaafka u dhaxeeya Farmaajo iyo Rooble, waxaana horay Puntland ay u sheegtay inay ka weyb galeyso Shirka uu ku baaqay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.