Taliska Booliska Soomaaliya oo shaaciyay in la qabtay dhalinyaro Rabshado ka dhex sameeyay diyaarada Turkish Airlines

Afhayeenka ciidamada Booliska Soomaaliyeed Gaashaanle C/fitaax Aadan Xasan oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho waxa uu faah faahin ka bixiyey dhacdo shalay ka dhex dhacday gudaha Diyaarada Turkish Airlines.

Waxa uu xaqiijiyey in gacan ka hadal dhacay uu dhaawac gaarsiiyey mid ka mid ah shaqaalaha diyaarada,isagoo lagu dabiibayo mid ka mid ah cusbitaalada Muqdisho.

Afhayeenka Booliska waxa uu sheegay in la xiray 5 xubnood oo lagu eedeeyey inay gacan ka hadalkaasi ka dambeeyeen kuwaas oo baaritaano dheeraad ah la marsiinayo.

Ma uusan sheegin afhayeenku sababta ka dambeysay dagaalkaasi balse warar soo baxay ayaa ku waramayey in dhalinyarada soomaaliyeed laga soo tarxiilay Turkiga kadib markii iyagoo tahriibayey lasoo qabtay.

Shalay ayay markii diyaarada Turkish airlines oo ku soo wajah neyd garoonka diyaaradaha Muqdisho rabshado ka dhex sameeyeen diyaarada islamarkaana qaar ka mid ahaa rakaabkii diyaarada oo dhalin somali tahriibayaal ahaa ay u gacan qaadeen shaqaalaha diiyarada Turkish airlines waxaana dhalinyaradaas laga soo masaafuriyay dalka Turkiga

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com