Dadka reer Baydhabo oo maanta cagtooda maalaya

Wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Ciidamada Koonfur Galbeed ay maanta si weyn u adkeeyeen amniga magaaladaasi.

Ciidamada ayaa xiray dhammaan wadooyinka soo gala Madaxtooyada Koonfur Galbeed, iyagoo sidoo kalena hakad-geliyay isu socodkii gaadiidka ee magaalada.

Koonfur Galbeed ayaa maanta xuseysa sanad guurada 3aad ee ka soo wareegatay markii la doortay Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), oo maanta oo kale xilkaasi loo doortay.

Xarunta Madaxtooyada waxaa caawa lagu qaban doonnaa munaasabad ballaaran, oo lagu xusayo sanadka 3aad ee xafiiska uu jooggo Madaxweynuhu.

Baydhabo waxaa gelinkii dambe ee Sabtidii gaaray wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo caawa magaaladaasi kaga qaybgelaya munaasabadda ka dhaceysa Xarunta KMG ee Koonfur Galbeed.

 Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com