Qarax Miino oo ka dhacay magaalada Jowhar

Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in uu ka dhacay qarax lala eegty gaari nuuca dagaalka ah.
Qaraxa miino oo laga maqlay jugtiisa guud ahaan xaafadaha magaalada Jowhar ayaa la sheegay in lala eegtay gaari nooca loo yaqaano Cabdibilaha oo uu leeyahay guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Axmed Meyre Makaraan Axmed Faal.

Qaraxa oo ahaa nooca Ramuutka laga hago  ayaa dhacay wax yar uun markuu gudbay gaariga Cabdibilaha ah, lamana sheegin wali wax khasaare ah oo ka dhashay qaraxaasi miino, inkastoo qaraxa kadib rasaas farabadan ay rideen ciidamadii saarnaa gaariga qaraxa lala beegsaday.

Magaalada Jowhar ayaa u  diyaar garoobeysa doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliyawaxana  mudooyinkii dambe ku soo kordhaayay qaraxyada, waxaana xusid mudan in todobaadkii hore uu ka dhacay qarax miino goob Maqaaxi ah oo ku taala magaalada Jowhar, islamarkaana uu ku dhintay qof shacab ahaa ayna ku dhaawacmeen laba Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeelle.

 Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com