Hay’adda UNMAS oo gaadiid ku wareejisay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage oo howlo shaqo u jooggo Magaalada Beledweyne ayaa tiro gaadiid iyo agab kaleba kala wareegay Hay’adda UNMAS.

Hay’adda Miino Baarista Qaramada Midoobey ee UNMAS ayaa gaadiidkan ugu talagashay inay uga qayb qaadato hawlgalada ay ciidamadu fulinayaan.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa hay’adaasi kaga mahadceliyay taageeradeeda ciidamada, iyadoo aysan noqonayn markii ugu horeysay oo gaadiid ku wareejiso Taliska Xoogga Dalka.

19-kii bishii May ayay ahayd markii hay’addu ay sidaan oo kale gaadiid ugu wareejisay General Odawaa Yuusuf Raage, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka.

Jananka oo Arbacadii gaaray magaaladaasi ayaa u joogga, sidii Taliska Qaybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka uu u bilaabi lahaa hawlgalada ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab, waana xilli Beledweyne lagu wado in lagu qabto Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com