Hay’adda Socdaalka Adduunka ee IOM ayaa sheegtay in 4,470 qof oo tahriibayaal ah ay ku dhinteen adduunka oo dhan sanadkan 2021,taas oo ka dhigan in Caalamka, tirada dhimashada sanadkan ay ka badan tahay tii la diiwaangeliyey sanadkii hore 2020 oo ahayd 4,236 ayey tiri IOM.
Heya’adda IOM waxa ay sheegtay in ugu yaraan 54 muhaajiriin ah ay ku dhinteen shil baabuur oo khamiistii ka dhacay Chiapas – shilkii kaliya ee ugu dhimashada badnaa ee soo galootiga Mexico tan iyo ugu yaraan 2014, markaasoo IOM ay bilowday diiwaan gelinta dhimashada
Xuduuda u dhexeeya Dalalka Turkiga iyo Giriiga ayaa ka mid ah meelaha ay kor ugu kacday dhimashada Dadka Tahriibayasha ah ee sanadka 2021 marka loo eego sanadihii ka horeeyey ayey lagu xusay warbixinta.
Xafiiska wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com