Norway oo xeerar adag ka soo saartay xakameynta xanuunka cusub.

Oslo:-Dowlada Norway ayaa caawa soo saartay xeerar cusub ee ku aadan xakameyn  xanuunka Omicron ee COVID-19.

Go,aanada ayaa ah mid dowlada ugu tala gashay in lagu xakameeyo xanuunka.

Halkaan ka aqriso xeerarka cusub:-

  • In mudo 10-maalmood ah la karantiili doono qofkii looga shakiyo xanuunka amicron.
  • Sidoo kale xeerkaan waxaa uu qabanayaa dadka ka agdhaw qofka xanuunka laga helay isla markaana la karantiil gali doona muda 7-cisho ah iyaga oo kadib iska qaadi doona baaris kale.
  • In la soo celiyay kala fogaanshaha halka mitir.
  • Dowlada ayaa ku talisay in in dadka guryaha ku casuumaan 10-ruux lana ilaaliyo xeerka kala fogaanshaha.
  • Iskuulada carruuurta ayay Dowlada ku boorisay in la sameeyo baaritaana dheeri ah ee la xiriirta xanuunka.
  • Goobaha qamriga iyo meelaha kale ee lagu caweeyo ayay dowlada go,aamisay in la xiro 24:00 saqdhexe.
  • Maqaaayadaha ayaa lagu amray in ay diiwaangaliyaan dadka yimaad.
  • Jaamacaha oo lagu booriyay in ay u diyaar garoobaan waxbarashada digital-ka.
  • Goobaha jimicsiga ayay dowlada xustay in ugu badnaan isugu imaan karaan 20-ruux.

Xafiiska Wararka,Oslo.

Info@aragticusub.com