War saxaafadeed ay soo saareen Guddiga Doorashada ee Heer Federaal ee FEIT ayaa waxaa go’aan ay ka qaateen doorashada kuraasta HOP154 iyo HOP103.
Guddigu waxaa ay caddeeyeen In kursiga sumadiisu tahay Hop154, habkii loo maray doorashadiisa aysan waafaqsanayn habraacyada doorashada, iyadoo murashax ka mid ah kuwii u tartamayey uusan buuxin shuruudihii murashaxnimada qodobkiisa 3aad ee heshiiskii 1 Oktoobar 2020.
Waxaa guddigu intaa ku daray in gabi ahaanba natiijada kursigaas oo ka dhacday Baydhabo 29 Nofeembar 2021 ay tahay waxba kama jiraan, doorashadiisuna dib loogu noqon doono.
Dhanka kale Kursiga uu tirsigiisu yahay Hop103, ayay Guddigu sheegeen in doorashdiisu ay tahay mid waxba kama jiraan ah oo dib loogu noqon doono, iyagoo sheegay in la tix raacayo go’aanka guddiga ee ku xusan warqadda sumadeedu tahay (TXR/GHD/0056/21) soona baxday 27 Noofeembar 2021, go’aankaas oo lagu hakiyey in la qabto dorashadiisa.
Sidoo kale Guddigu waxaa ay baaritaanno ku wadaa doorashada qaar ka mid ah kuraasta lagu doortay galmudug, waxaana ay shegeen in gacanta ay ku hayaan guddiga xalinta khilaafaadku, waxaana la sugaya go’aanka xiga kan ee ay Guddigu ka qaadan.
Xafiiska wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com