Midowga Musharaxiinta oo soo saaray qoraal ay uga hadlayaan doorashada dalka.

Midowga Musharixiinta ayaa soo saarey qoraal ay uga hadleen doorashadda dalka ka socoto iyo boobka qaawan ee uu Farmaajo ku hayo kuraasta.

Musharaxiinta ayaa sheegay in aysan aqbali doonin doorashooyinka la afduubay iyo ku tumashadda habraacyadii lagu heshiiyay, taasoo ay sheegeen inay halis gelineysa xasiloonida dalka iyo jiritaanka dowladnimada.

Waxay sheegeen in boobka uu wado Farmaajo aysan socon doonin, islamarkaana ay ka hor tagi doonaan ku shubashadda doorashadda dalka.

Farmaajo ayay horey ugu eedeeyay inuu mas’uul ka yahay boobka doorashadda, islamarkaana uu Rooble indhaha ka daawanayo, maadaama uusan waxba ka qaban karin waxa socda.

Halkan ka akhri qoraalka: