Gudiga doorashooyinka Heer Federaal oo Amar dul Ergada dooraneysda kuraasta Gobolada waqooyi

Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer Federaal ayaa soo saaray go’aan loogu mamnuucayo guud ahaan musharixiinta ku tartamaya kuraasta golaha shacabka in ay qariyaan wajiyadooda, marka ay socoto codbixinta doorashada.

Guddiga doorashada ayaa sheegay in go’aankaan uu yahay mid ka turjumaya si loo ilaaliyo daah-furnaanta doorashada dalka, kadib markii ay doorashooyinkii dhawaan dhacay ay ku jireen musharraxiin wajiga soo xirtay.

Go’aanka guddiga doorashada ayaa kusoo aadaya, iyadoo maanta magaalada Muqdisho lagu qabanayo doorashada lix kursi oo ay ku tartamayaan in ka badan 10 musharrax oo kasoo jeeda gobolada waqooyi ee Somaliland.

Guddiga doorashada ayaa go’aanka uu soo saaray ka dhaqan galin doona doorashada maanta dhacaysa, waxaana uu sheegay, kaliya in waji xirasho loo oggol yahay ergooyinka wax dooranaya sababa la xiriira ammaankooda.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com