Dhageyso: Boqor Maxamed Jaamac oo Eedeeyn U Jeediyay Madaxweyne Farmaajo iyo Mahdi Guuleed

Boqor Maxamed Jaamac Suldaan Cumar oo ka mid Odayaasha Dhaqanka ee ka soo jeeda gobollada waqooyi ee Somaliland ee ku sugana magaalada Muqdisho ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ku in ay boob ku haayaan doorashada kuraasta gobollada waqooyi ee xildhibaanada golaha shacabka.

Boqor Maxamed Jaamac ayaa sidoo kale Ugu baaqay Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble in uu soo fara geliyo Boobka lagu haayo kuraasta gobolada waqooyi ee doorashadooda ay ka dhaceyso magaalada Muqdisho
Ugu Dambeyntii Boqor Maxamed Jaamac ayaa sheegay in haddii uu sii socdo Boobka lagu haayo Kuraasta Golaha shacabka ee Gobolada ee Somaaliland laguna dooranayo Muqdisho taas ay si weyn u dhaawaceyso Midnimada Soomaaliya iyo soomaaliland oo ay u joogaan Muqdisho.