Faah faahino ka soo baxaya dagaal ka dhacay degmada Wanlaweyn ee Gobolka shabeelaha Hoose

Muqdisho:-Wararka ka imaanaya Degmada Wanlaweyn ee gobolka shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in in uu ka dhacay dagaal u dhexeeyey ciidamada Koonfur Galbeed iyo kooxo maleeshiyo ah oo hubeysan oo saacadihii lasoo dhaafay isku aruursanaayay degmadaasi .

Dagaalka ayaa geystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac, wuxuuna yimid ka dib markii ciidamada ammaanka ay weerar ku qaadeen isbaaro ay maleeshiyaad hubeysan soo dhigteen inta u dhexeysa Walanweyn iyo Yaaqbari Weyne.

Wararka ayaa sheegaya in iska hor imaadka labada dhinac ay ku dhinteen ugu yaraan laba qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo intaasi ka badan.

Taliyaha ciidamada daraawiishta Koonfur Galbeed, Yoonis Aadan oo ka hadlay dagaalkaasi wuxuuna sheegay inay cagta mariyeen ciidamada ammaanka isbaari tiilay halkaasi, isla-markaana ay gacanta ku soo dhigeen qaar ka mid ah maleeshiyaadkii hubeysnaa.

aaladda ayaa hadda deggan, waxaana degmada Wanlaweyn iyo agagaarkeeda ku sugan ciidamada Koonfur Galbeed oo kaashanaya kuwa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragtiCusub.com