Wafdiga ay hoggaamineyso Wasiirka Caafimaadka oo lagu soo dhweeyay Magaalada Jowhar

Wafdiga ay hoggaamineyso Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowsiya Abiikar Nuur, ayaa maanta gaaray magaalada Jowhar ee xarunta Dowlad gobaleedka Hirshabeelle, waxaana Garoonka Diyaaradaha ku soo dhaweeyey madaxda Wasaarada Caafimaadka Hirshabeelle.

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Fowsiya Abuukar Nuur, ayaa magaalada Jowhar gaar siisay dawooyin loogu talagalay xarumaha caafimaadka oo uu ugu horeeya Isbitaalka guud ee Magaalada Jowhar.

Wasiir Fowsiya, ayaa sheegtay in Dawooyinkan wax looga qaban doono xanuunada ka dhashay fatahaaada soo noqnoqday ee uu sameeyo Wabiga Shabeelle.
sidokale agabka Caafimaad ee maanta la gaarsiiyay Jowhar , ayaa waxaa ku jiray dawooyin iyo qalab loogu talagalay ka hortaga xanuunka Covid 19.

Xafiiska wararka muqdisho

Info@aragticusub.com