Ciidamada dawlada oo hawlgalo ka sameeyay Gobolka Gedo

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa howlgal Amniga lagu sugayo ka sameeyeen degaano hoostaga degmada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo.

Howlgallada ayaa waxaa la sheegay in Ciidamada ay kula wareegeen degaano ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab dhowrkii sano ee la soo dhaafay.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada ay dowladda Soomaaliya ee Gobolka Gedo ayaa sheegay inay howlgalka inta uu socday ay si nabad ah kula wareegeen degaanka Tuulo Barwaaqo iyo degaano kale, halkaas oo ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Xafiiska wararka muqdisho

Info@aragticusub.com