Nin Haysta dhalashada Norway oo Maxkamada Somaliland ku xakuntay dil oo xaaladiisa laga dayrinayo.

Hargeysa:-55-jir Soomaali haysta dhalashada Wadanka Norway oo hore Maxkamad ku taal Hargeysa dil ku xukuntay ayaa lagu soo waramayaa in la dhigay isbitaal kadib markii xanuun ku soo booday.

Ninkaan ayaa 2019 nin kale ku dilay Hargeysa waxaana taasi keentay in isagane dil lagu xakumo balse go,aankaas aad loogu cambaareeyay Maamulka Somaliland.

Qareenka u doodaya Saad Jirde Hayd  oo lagu magacaabo Advokat Farid Bouras ayaa la sheegey in xanuunka jirde lagu wargaliyay saacado kadib markii lagu balansanaa Maxkamad.

Jirde ayaa hada la tibaaxayaa in uu ku jiro isbitaal waxaana xanuunkiisa sabab u ah in ay ka dhamaadeen  daawooyin hore u isticmaali jiray.

Dowlada Norway ayaa dhowr jeer ugu baaqday Maamulka Somaliland in ay ka laabato go,aanka Maxkamadeed ee ah dilka Saad Jirde Hayd balse Xukuumada Somaliland ayay muuqanaysaa in ay ka xaga jiideyso baaqaas.

Xafiiska Wararka,Oslo

Info@aragticusub.com