Qareeno Soomaali ah oo maxkamadda ICC u gudbiyay dacwad ka dhan ah dowladda Soomaaliya

Qareeno Soomaaliyeed oo fadhigooda yahay magaalada Melbourne ee dalka Australia ayaa sheegay in dacwad ka dhan ah dowladda Soomaaliya u gudbiyeen Maxkamadda Caalamiga ee dagaalka ICC ee xarunteeda tahay magaalada The Hague.

Garyaqaan Yuusuf Cabdi Faarax oo wareysi siiyay laanta afka Soomaaliga ee VOA ayaa sheegay in dacwadan ay u gudbiyeen Maxkamadda ICC ay tahay afar kiis.

Waxaa uu sheegay in Maxkamada ay qabatay, islamarkaana ay soo sugayaan xilli ayguda gali doono in ay shaaciso.

Waxaa uu sheegay in afarta kiis ee ay Maxkamadda u gudbiyeen ay kala yihiin kiiskii dilkii Ikraan Tahliil, xasuuqii ka dhacay Baydhabo sanadkii December 2018, xayiraadii diyaaradaha Kismaayo iyo dhalinyarada loo qaaday Eritrea.

Garyaqaan Yuusuf  ayaa sheegay in Maxkmadda ay ka qabatay gal dacwadeedka, isla markaana ay jawaab ka heleen inuu gaaray dukumiintiga, balse ay ku xiran tahay sida ay fursadooda tahay oo ay kiisaska u kala horumarin lahaayeen.