Midowga Yurub oo war ka soo saaray Khilaafka Rooble iyo Farmaajo

Midowga Yurub ayaa ka hadlay khilaafka u dhexeeyo Madaxweyne Maxamed C/laahi Faraamjo iyo Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, waxaa ayna ugu baaqeen in la soo afjaro Khilaafka.

War Saxaafadeed kasoo baxay xafiiska madaxweyne ku xigeenka Midowga Yurub Josep Borrel,ayaa Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha loogu baaqay inay soo afjaraan is-maandhaafka siyaasadeed ee hadda jira.si loo hirgeliyo doorashada.

Geedi socodka doorashadu waa inuu sii socdaa si nabadgelyo leh, iyadoo la raacayo jadwalkii hore loogu heshiiyay ee 27 May. Tani waxay fure u tahay wanaagga dadka Soomaaliyeed” ayuu lagu yiri ‘ War Saxaafadeedka .

Ugu damebeyn daneeyayaasha Soomaaliya ayaa loogu baaqay in ay xakameeyaan ugu badnaan xasilloonida guud ee Soomaaliya iyo gobolka.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com