Guddiga Xaqiijinta Qoondada Haweenka Ee Doorashada 2021 ayaa walaac waxaa ay ka muujiyeen Habraaca shaacinta kuraasta aqalka sare ee dowlad gobaleedka Hirshabeelle, kuwaasnoo uu shakay soo saaray Madaxweynaha Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen.
Qoraal kasoo baxay Guddiga ayaa waxaa lagu sheegay in marnaba suurogal aheyn sida ay u soo bandhigeen liiska musharaxiinta Aqalka sare ee Hir-Shabeelle.
“Annagoo tixraaceyno heshliskii ugu dambeeyay ee ka soo baxay Golaha Wadatashiga Qaran
Augoust 23,2021 ee uu saxiixay Madaxweynaha Hir-Shabeelle ay ku caddeed in uu xaqijiyo
qoondada haweenka 30% ee ay haween keliy ku tartamaan waxaa nasiib darro ah in uu
baalmaray heshiiskii uu galay ayuu lagu yiri” Qoraalka Guddiga.
Sidoo kale Guddiga ayaa waxaa ay ugu baaqeen Madaxweynaha Hir-Shabeelle in uu ixtiraamo heshiiskii uu ansixiyay ee qoondada haweenka, isla markaana uu go’aamiyo in haween keliya ku tartamayaan kuraasta maadaama Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah ay siiyeen habraaca lagu xaqiijanayo qoondada haweenka Soomaalilyeed ee 30%ka Habraacaas loo agu xaqijinayo qoondada haweenka, waxaana ay ka dalbadeen madaxda labada heer ee
dowladeed u gudbiyaan Odayaasha Dhaqanka dalka iyo dhamaan guddiyada
doorashooyinka (FIET/SIET) ee goobaha doorashoyinka Sta DGS, Banaadir iyo
Somaliland.
Waa in ay kuraasta qoondada haweenka 30% u tartamaan musharrixinta haweenka ah
oo kellya.
d. Kuraasta qoondada haweeenka lagama wareejin karo haweenka, lama siyaasadeyn
karo, lamana libsan karo.
Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka heer Federaal iyo heer Dowlad goboleed, waa in
habraacaas sida uu yahay u fuliyaan.
1.Waa in ay kuraasta qoondada haweenka 30%u tartamaan musharrixinta haweenka ah
Sidoo kale Guddiga ayaa waxaa ay ku booriyeen Madaxweynaha Hir-Shabeelle in uu ixtiraamo heshiiskil uu ansixiyay oo qoondada haweenka ee uu soo saaro ayadoo haween keliya ku tartamayaan.
“Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah, waxay ansixiyeen habraac lagu xaqijanayo qoondada haweenka Soomaalilyeed ee 30%ka. Habraacaas lagu xaqijinayo qoondada haweenka, waa in madaxda labada heer ee
dowladeed u gudbiyaan Odayaasha Dhaqanka dalka iyo dhamaan guddiyada
doorashooyinka Heer federaal & Heer dowlad Goboleed ee goobaha doorashoyinka dowlad Goboleedyada, Gobolka Banaadir iyo
Somaliland ayaa sidoo kale lagu yiri” Qoraalka Guddiga.
Ugu dambeyn Guddiga qoondada haweenka ayaa waxaa ay soo jeediyaan dhowr qodob oo ay sheegeen in lagu ilaalinayo qoondada haweeenka ee Xildhibaannada labada Aqal, waxaana kamid ah.
1: Waa in ay kuraasta qoondada haweenka 30% u tartamaan musharrixinta haweenka ah oo kellya.
2: Kuraasta qoondada haweeenka lagama wareejin karo haweenka, lama siyaasadeyn
karo, lamana libsan karo.
3: Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka heer Federaal iyo heer Dowlad goboleed, waa in
habraacaas sida uu yahay u fuliyaan.
4: Waa in ay kuraasta qoondada haweenka 30%u tartamaan musharrixinta haweenka ah
oo keliya.
Walaacaan ay muujiyaan Guddiga Xaqiijinta Qoondada Haweenka Ee Doorashada 2021 ayaa daba socda kadib markii liiska Muaharixiinta Aqalka Sare ee uu shalay soo saaray Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo gaaraya 34 musharax ay kasoo muuqdeen 7 Haween ah.