Khilaafka Farmaajo iyo Rooble oo Weji kale yeeshay

Khilaafka u dhexeeya Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo), iyo Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble, ayaa Sare u kacay kadib markii uu Madaxweynaha wareegto xalay ku magaacabay taliyihii shaqa joojinta lagu sameeyay ee Fahad Yaasiin oo uu ka dhigay la-taliyihiisa amniga qaranka.

 

Farmaajo ayaa Sidoo kale kale si kumeelgaar ah xilka uu banneeyay Fahad ugu magacaabay Gaashaanle Sare Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud, oo ahaa Taliyaha Nabad Sugidda ee Gobolka Banaadir.

 Hore dawladdii ka horraysay tan Farmaajo ee uu hoggaaminayey Xasan Sheekh sidaas oo kale ayaa khilaaf ka abuurmay markii Raysalwasaarihii xilligaas Cabdiweli Sheekh Amed, uu xilka ka qaaday taliyihii xilligaas ee Hay’adda Nabadsudgidda Cabdillaahi Maxamed Cali Sanbalooshe.

 

Go’aankaas oo madaxweynuhu diidey, dood maalmo socotay kaddib madaxweynuhu wuxuu oggolaaday go’aankii raysalwasaaraha, sidaana uu taliye cusub ku noqday Jeneraal Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare.

 Hadda Ra’isalwasaare Maxamed Xuseen Rooble waxa uu faray taliyaha sida kumeelgaarka uu isniintii u magacaabay oo ah Sareeye Guud Bashiir Goobe in uu xilka la wareego.

 Dhinaca Kale:

 

 Warbaahinta dowladda ay gebi ahaanba joojisay faafinta war saxaafadeedyada kasoo baxa xafiiska madaxweynaha, tan ayaa ka dambeysay markii boggaga rasmiga ah ee Taleefishinka Qaranka laga tiray warkii xalay kasoo baxay Villa Soomaaliya ee lagu magacaabay taliyaha cusub ee nabad suggida.

 

Taas badelkeed, saacado kadib ayaa lasoo daabacay war saxaafadeedkii kasoo baxay xafiiska Ra’isulwasaaraha.

 

Warbaahinta gudaha qaar ayaa tabinaysa in boggaga warbaahinta dowladda laga saaray saraakiishii Villa Soomaaliya ee warfaafinta ee galaangalka u lahaa in ay wax soo galin karaan, balse ma jirto cid madax banaan ama labada dhinac ka tirsan oo arrintan qirtay.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticuisub.com