Ciidamada dowladda Soomaaliya oo isugu jira Boolis, Nabadsugid, & Millateri oo ay wehlinayeen kuwo ka tirsan AMISM ayaa howlgal Wadajir ah waxaa ay ka fuliyeen Xaafado ka tirsan Caasimadda Maamulka Hir-Shabeelle ee Magaalada Jowhar.
Howlgalka ayaa intiisa badan waxaa laga sameeyay Xaafadaha & Wadooyinka Waaweyn ee soo gala Magaalada Jowhar, iyada oo Ciidamada Booliska & kuwa Burundi ee ka tirsan AMISOM ay baaritaan ku sameeynayeen Gaadiidka noocyadiisa kala duwan.
Sidoo kale howlgalka ayaa Ciidamada waxaa ay ka fuliyeen wadooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa magaalada Jowhar, sigaar ah gaadiidka Mooto Bajaajta oo siweyn looga isticmaalo magaalada Jowhar & tuulooyinka hoostaga.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska Magaalada Jowhar ayaa waxaa ay sheegeen in ujeedka howlgalka uu ahaa dadaallada sugidda amniga doorashada soo socota ee la filayo inay ka dhacdo Magaalada Jowhar.
Magaalada Jowhar oo ah Caasimadda Maamulka Hir-Shabeelle ayaa habeenadii la soo dhaafay waxaa ka dhacayay falal amni darro, waxaana ka dhacay weerar bambaano oo Xildhibaano ku dhaawacmeen iyo Hoobiyeyaal lagu garaacay Magaalada Jowhar.