Muqdisho:-Maamulka gobolka Banaadir ayaa soo saaray amar ku socda isbitaalada Yardameeli iyo Jaziia, kaasi oo dhigaya in muddo toddobaad gudahood ah ay kusoo wareejiyaan maamulka isbitaaladaas.
hayeenka gobolka Banaadir oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ayaga oo ku shaqeynaya dastuurka iyo shuruucda u dagsan dalka, islamarkaana la tixraacayo heshiiska ku saleysan wareejinta iyo daadajinta adeega caafimaadka ee gobolka in maamulka gobolka uu mas’uul ka yahay gacan ku haynta isbitaaladaas.
Maamulka gobolka Banaadir ayaa amarkan cusub ku sababeeyay in isbitaaladaas ay ka leexdeen hanaankii loogu talo-galay inay ugu adeegaan bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa gobolka Banaadir.
Xafiiska Wararka,Muqdisho.
Info@aragticusub.com