Ololaha IS ee ka dhanka ah Taalibaan ayaa sare u kacay tan iyo 16 -kii bishii Ogosto, markaas oo Taalibaan ay qabsadeen caasimadda Kaabul.
Hase yeeshee waxa uu cirka isku ii shareeray laga soo bilaabo 19-kii bishaan Ogosto. Isla maalintaas ururka IS wuxuu soo saaray soo bayaankiisa rasmiga ah ee ku aaddan Taalibaan iyagoona ku tilmaamay in Taalibaan ay tahay ‘Mashiinka dharka u tolo Ameerika’.
IS waxay sheegtay in wixii ka dhacay Afgaanistaan ay tahay guul u soo hoyatay Mareykanka, ee aysan ahayn guul ay Taaliban gaartay sababtoo ah Taalibaan waxay ku guuleysteen inay riixaan fikradda ah in waddada loo maro kooxaha xagjirka ah ay tahay wadahadal.
Warbaahinnada ay taageerto IS ayaa wixii ka dambeeyay 16-kii Ogosto daabacay 22 maqaal oo dacaayad ah, oo intooda badan loo diyaariyay qaab boorar ah. Boorarkan ayaa laga baahiyay barnaamijka farriimaha ee Telegram ee ku jira server-ka ay IS taageerto ee RocketChat.
ololahan malahan wax astaan ah ama hashtag balse maalmaha soo socda waxaa laga yabaa in la sameeyo hashtag si sare loogu sii qaado ololaha ka dhanka ururka Taalibaan.
Boorarkan dacaayadda ka sokow, waxaa jira fiidiyow u muuqda mid ka duwan boorarkan waxaana baahiyay soo saare sare oo taageero IS oo la yirahdo Turjuman al-Asvirti.
Muuqaalkan waxaa lagu arkay nin Ingiriis ku hadlaya, oo isku dayaya inuu caddeeyo in Taalibaan ay la heshiiyeen Mareykanka. Si uu taas u caddeeyo, wuxuu adeegsadaa buugga “88 Days to Kandahar” oo uu qoray Robert L. Grenier, oo ahaa madaxii hore ee CIA -da ee Islamabad.
Waxaa la rumeysan yahay in maalmaha soo socda ay bilaaban karaan dacaayado badan oo ka imaanaysa dhinaca Taalibaan.
Si kastaba ha noqotee, taageerayaasha al-Qaacida iyo kooxda laanteeda Yemen ayaa ugu hambalyeeyay Taalibaan guushii taariikhiga ahayd. Waxaa kale oo jira kooxo jihaad-doon ah iyo kooxo Islaamiyiin ah oo iyaguna taageeray taalibaan.
Xafiiska Wararka Muqdisho