Ra’iisal Wasaare kheyre oo booqday xaruunta xisbiga

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya xassan Ali Kheyre ayaa maanta kormeer ku tegay dhismaha guriga xukuumadda (Ex-xaruntii xisbiga) oo lagu wado dib-u-dhis ballaaran.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa howl-wadeennada ka shaqeynaya dib-u-dhiska ka xog wareystay hannaanka ay u wadaan dhismaha, waxuuna kula dardaarmay in sida ugu dhaqsiyaha badan ku dhammeeyaan si loogu guuleysto in xukuumaddu ku shaqo billaawdo.

Guriga xukuumadda ayaa noqoqeyna xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo xarunta dhexe ee xukuumaddu ku shaqeyso.

Dowladda Soomaaliya ayaa dib u dayactir ku sameysay dhismayaal hore oo qaddiimi ah,waxaana ka mid ah Tiyaartarka Qaranka, Madxafka iyo Madbacadda Qaranka, Garoonka Muqdisho Stadium iyo dhismayaal kale.