Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee Somali Journalists Syndicate – SJS oo taageero ka helaya Dowladda Canada ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay Tababar ku saabsan Kobcinta Xorriyadda Hadalka iyo badqabka Suxufiyiinta .
Tababarkan ,waxaa ka faa’ideysanaya 26 suxufi oo ka kooban wiilal iyo gabdho oo ka kala yimid Warbaahinta madaxa-banaan ee ka howlgasha Magaalada Muqdisho,wuxuuna qorshaha SJS yahay in tababarkan la gaarsiiyo suxifiyiinta kale ee ku nool qaar kamid ah gobolada Soomaaliya.
Xoghayaha Guud ee SJS , Abdalle Ahmed Mumin ayaa si rasmi ah u furay tababarkan.
Xafiiska wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com