Muqdisho, Gudoomiyaha rugta ganacsiga iyo warshadaha Soomaalida Mohamud Abdikarim (Gabeyre) ayaa kulan la qaatay ganacsato ka socatay wadanka Turkiga.
Gudoomiye Gabeyre ayaa ganacsatada warbixin ka siiyay horumarka ganacsi ee wadanka ka jira.
Sidoo kale waxaa shirkaas ka hadlay agaasime ku-xigeenka Rugta Ganacsiga isaga oo warbixin balaaran ka siiyay guud ahaan ganacsiga dalka, dhoofka, soodajinta iyo sida ay suuq ugu heli lahaayeen wax soo sarka dalka, sida sisinta, liinta, xabagta, iwm.
Masuuliyeenta shirkadda HERA GRUP ayaa aad uso dhaweeyay warbixinta, waxa ayna sheegeen in ay aad udaneey-naayan qeybta kalumeysiga dalka, kaasi oo ay doonayaan in ay maal gashi kusameeyaan, sida doomaha iyo qalabka lagu soosaaro kalluunka.
Gudoomiyaha ayaa gaba gabadi kulanka Ganacsatada Turkiga gudoonsiiyay hadiyado ay ka mid yihiin hidaha iyo dhaqanka dal keena.
Mohamud Abdikarim Gabeyre ayaa dadaal xoogan ku bixinaya sidii ganacsatada caalamka uga dhaadhicin lahaa in Soomaalida maalgashi lagu sameysto isla markaana aduunka loo iibgeeyo kheyraadka wadankeena taasi oo kobac dhaqaale u noqon doonta ganacsatada iyo dhaqaalaha wadanka.
Xafiiska Wararka,Oslo.
Info@aragticusub.com