Rooble iyo Ashakir oo u hanjabay xubnaha guddiga doorashada ee Cabdi Xaashi{AKHRISO}

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, iyo wasiiru dowlaha xafiiska Ra’isul Wasaaraha Cabdixakiin Ashkir ayaa u hanjabay xubnaha uu soo magacaabay Cabdi Xaashi ee ku jira guddiga doorashada Somaliland, sida ay ogaatay warbaahinta.
Rooble ayaa xubnaha guddiga oo guud ahaan ka kooban 11, waxa uu xafiiskiisa kula kulmay Talaadadii, halkaasi oo uu kaga dhowaaqay in la baabi’iyay doorashooyinkii hoggaanka guddiyada doorashada gobollada waqooyi ee muranka uu ka dhashay, lana qabanayo doorasho cusub.
Qaar ka mid ah afarta xubnood ee guddiga ee uu soo magacaabay Cabdi Xaashi ayaa u sheegay warbaahinta in intii uu socday kulanka uu Rooble ugu hanjabay in ciddii diida inay ka qeyb qaadato doorashada cusub ee hoggaanka guddiga laga saari doono guddiga.
Isla habeenkii Talaadada, ayaa wasiiru dowlaha xafiiska Ra’isul Wasaaraha Cabdixakiin Ashkir, oo aad ugu dhow Farmaajo, wuxuu casho u sameeyey xubnaha guddiga isaga oo mar kale ku celiyey hanjabaaddaas, sida aan xogta ku helnay.

Maalinkii xigay oo aheyd Arbacadii shalay ayaa Guddiga doorashooyinka heer federaal waxa uu iclaamiyey in doorashada guddoonka xubnaha guddiga doorashada kuraasta Somaliland la qabto maalinta Sabtida ah ee soo socota, laguna qabto Afisyoone.
Si kastaba, garabka Cabdi Xaashi ayaa durba soo saaray qoraal ay ku qaadaceen doorashada, ayaga oo caddeeyey inuusan jirin wax heshiis is-afgarad ah oo laga gaaray kulamadii ay la yeesheen Ra’iisul Wasaare Rooble.