Xuquuqda carruurta, habka baarista iyo tebinta denbiyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha, kaalinta suxufiyiinta ee ku aaddan soo bandhigista tacadiyada xuquuqda aadanaha iyo inay cod u noqdaan dhibbaneyaasha tacadiyada xuquuqda aadanaha.
Dumarka iyo gabdhaha Soomaaliyeed waa qeyb muhiim ah oo bulshadeenna ka mid ah. Waxay la kulmaan tacaddiyo noocyo kala duwan. Warbaahinta waxay horseed u noqon kartaa in kuwa tacadiyada geysta lala xisaabtamo, dhibbanayaashana ay caddaalad helaan.
Waxaan ka doodeynaa: Sidee ayey weriyayaashu u tebiyaan wararka ku saabsan tacadiyada dumarka iyo gabdhaha loo geysto? Mala siiyaa waqti ku filan? Maxaa khalad ah oo ay suxufiyiintu sameeyaan? Sidee loo sixi karaa?