Gaadiidley banaanbax ka dhigay Magaalada Dhuusamareeb

Qaar kamid ah Gaadiidleyda ka howlgalla Magaalada Dhuusamaresb ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug gaar ahaan kuwa ku Shaqeysta Gawaarida yar yar ee dhikilaha loo yaqaan ayaa Maanta oo Arbaco waxaa ay dhigeen Banaanbax ay kaga cabanayaan qaadashada  taargada Cusub Ee Maamulka Galmudug.

Banaanbaxayaasha oo isugu yimid goob fagaaro ah ayaa sheegay in cabashadooda la xiriirto in lagu amray bixinta lacag farabadan oo looga iibinayo taargada, isla markaana taasi aysan awoodin.

Qaar kamid ah Gaadiidleya Magalada Dhuusamareeb ee banaanbaxa dhigay ayaa sheegay in ay kasoo horjeedaan lacagaha faraha badan ee la doonayo inay ku iibsadaan taargada Cusub ee Galmudug, taasina aysan awoodin.

Waxaa ay Madaxweynaha Galmudug  iyo Wasaaradda Gaadiidka ugu baaqeen laga qafiifiyo lacagaha faraha badan ee looga iibinayo Taargada Galmudug si markii ay u qaataan si caadi ah Magaalada uga Shaqeystaan.

Wasaaradda Gaadiidka dowlad Goboleedka Gamudug ayaa dhawaan sameeysay taargooyin Cusub oo la doonayo inay qaataan Gaadiidka ka howlgalla degaannada Galmudug, waxaana inta badan qaatay Gaadiideyda Magaalooyinka Galmudug halka Gaadiidleyda kale ay diideen

Xafiiska wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com